Wasaaradda Waxbarashada oo la wareegtay 24 iskuul oo ku yaala Muqdisho (Akhriso Magacyada)

Munaasabad ku saabsan ololaha dib u soo nooleynta waxbarashada dadweynaha ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho iyadoo  Wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa  kula wareegtay 24  iskuul oo ku yaalla gobolka Banaadir.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulahi Farmaajo, wasiirka waxbarashada Mudane Cabdulahi Goodax Barre,  wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Feysal Cumar Guuleed, wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Cabdiraxman Maxamuud Cabdulle, agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada  Xassan Maxamed Cali, xubno ka socda bahda waxbarashada, iyo marti sharaf kale.

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in maanta wasaaradda ay ku guuleystay inay la soo wareegto 24 iskuul oo ku yaalla gobolka Banaadir islamarkana maanta wixii ka dambeeya wasaaradda ay qaadeyso masuuliyadooda.

“Maanta waxaan ku guuleysanay inaan la soo wareegno 24 iskuul oo ku yalla gobolka Banaadir, maanta wixi ka dambeeya, waxaa masuuliyadooda qaadeysa wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa  tilmaamay in marna aan la iloobi doonin doorkii dalladaha waxbarashada ay ka soo qaateen intii lagu guda jiray bur burka horumarinta waxbarashada.

Iskuullada maanta wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka ay la wareegay ayaa kala ah Kaaraan, Godey, Cabdi casiis, Gaashaanle, 11 janaayo, Bartamaha, Wiil waal, Bartanaha, Yaasiin cismaan, Agoonta Boondheere, Maxamuud mire, Hanti wadaag, Howlawadaag, Xasan khaliidi, Cali xuseen, Jabuuti, Deyniile, Maxamuud Hilowle, Axmed waayeel, Ex aqoon darsed, 21 November, 20 December, Agoonta wiilasha kaaran, Macalin jaamac.

 Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladiisa ay ahmiyada koowaad siineyso horumarinta waxbarashada.

“Ahmiyadda koowaad waxaa noo ah horumarinta waxbarashada, manhajka waxbarashada waa in lagu soo dara wadaniyadda, iyo muhiimada uu lee yahay qofka “ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo wasiirka waxbarashada Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa ardeyda ku sugneyd munaasabada guddoonsiyay  Bugaag ay ku qoran yihiin manhajka cusub ee wasaaradda waxbarashada ay diyaarisay.

- Advertisement -