Hooyooyin  culays lagu saaray in ay dilaan carruurtooda naafada ah !!

Hooyooyin u dhashay dalka Kenya oo heesta caruur aan lixaadkoodu dhameyn ayaa cadaadis xoogan lagu saaraa in ay nolosha dhaafiyaan caruurtooda naafada ah.

Daraasad ay sameysay hay’adda Disability Rights International ayaa lagu ogaaday in kala bar haweenka heesta caruurta naafada ah in lagu cadaadiyo in ay is dhaafiyaan caruurtaasi.

Waxaa lagu ogaaday daraasadan in dumarka carruurta naafada ah haysta mar kaste lagu eedeeyo xaaladda ay carruurtoodu ku sugan yihiin, waana mida keenta in haweenkaasi caruurtooda la nacsiiyo.

Inta badan haweenka Daraasadan lagu wareestay ayaa sheegay  in carruurta naafada ah ay dhaleen loo arko cuqubo iyagu galeen, waxaana haweenka lagu eedeeyaa dambi ay galeen in ay ka dhalatay in caruurtooda Naafo noqdaan.

Hooyooyin heesta caruur Naafo ah oo kunool dalka Kenya ayaa lagula taliyay in ilmahooda ku duraan cirbado nafta looga qaadayo halka kuwa kalana lagula taliyay in acid siiyaan ilmahooda .

Dalka Kenya waxaa sharci daro ka ah in la dilo caruurta naafada ah, waxaana hada sii yaraanaya dhaqanka wadamo badan ay ku dili jireen caruurta aan lixaadkoodu dhameyn kuwaa oo dhibaato u arkayay in ay sii heestaan caruurtaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -