Dowlada Soomaaliya oo shaacisay in loogu deeqay 427 Milyan oo Dollar

Shir saxaafadeedka Billaha ah ee Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle , ayaa faah-faahin ka bixiyay guulaha Soomaaliya ay ka gaartay hagaajinta Maaliyadda.

Wasiirka ayaa sheegay in shuruudihii ugu muhiimsanaa ee deymaha looga cafinayo Soomaaliya ay ka gudubtay ka hor waqtigii loogu tala galay sida ay qireen madaxda hey’adda Lacagta Adduunka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya waxa uu sheegay in Soomaaliya ay deeq bixiyayaasha caalamka oo ay ugu horreeyaan Bangiga Adduunka iyo Midowga Yurub ay ugu deeqeen 427 Milyan oo Dollar-ka Maraykanka ah, iyagoo ka duulaya sidii ay Soomaaliya u fulisay shuruudihii ku xirnaa nidaamka deyn cafinta.

Wasiir Beyle waxa uu meesha ka saaray in ay deyn tahay Lacagta Bangiga Aduunka ugu yaboohay Soomaaliya, taasi oo ay warbaahinta qaar daabaceen shalay.

“Waxaan halkan ka sheegayaa inay Lacagtan Soomaaliya la siiyay ay deeq tahay, deyn ma qaadan karno “, ayuu yiri wasiir Beyle.

Dabagalka Lacagta deybta ah ee caalamku ku leeyahay Soomaaliya ayuu soo hadal qaaday wuxuuna sheegay in ay ku ogaatay Wasaaradda maaliyada Lacag dhan Hal Bilyan oo Doollar inaan la heyn ciddii saxiixday iyo sida ay ku timid.

Wasiir Beyle ayaa sheegay inay Dowlado dhowr ah ay u yimmaadeen una sheegeen inay Soomaaliya ku leeyihiin deymo, wuxuuna sheegay in ay u direen caddaymo muujinaya saxiixyadii Dowladdii hore ee Soomaaliya, maaddaama uu Dalku ka dhacay bur-bur, isla markaana uusan jiri keyd loo noqdo.

Mudane, Beyle ayaa sheegay inay Dowladaha qaarkood ku guul darraysteen in ay keenaan caddeymo dhab ah oo lagu qanci karo, taasoo keentay inay ka jaraan Kharashaadkii ay sheegteen, taasoo hadda lacagta deynta ah ka dhigeysa 4 Bilyan iyo bar Doollar, halka ay markii hore ka ahayd 5 Bilyan iyo bar.

Dowladda Federaalka ayuu sheegay in madaxdeedu ay ka go’an tahay hagaajinta maamulka Maaliyada si caalamku u aamino loogana cafiyo deymaha lagu leeyahay iyo kobcinta dhaqaalaha si ay Soomaaliya u gaarto isku filnaan.

Wada hadallada deymaha caalamka looga cafinayo Soomaaliya ayaa dhamaanaya marka la gaaro Bisha May ee Sanadka soo socda, waxanay Dowladdu u muuqataa mid muhiimad gaar ah siisay hagaajinta maamulka maaliyadda oo ku xiran horumar ka Dalkeenna.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -