Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ku laayey dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab

Taliska ciidamada Maraykanka ee Qaarada africa AFRICOM ayaa sheegay inay duqayn la beegsadeen xoogaga al-Shabaab ka dib codsi ka yimid dawladda Soomaaliya.

Duqayntan ayaa taliska AFRICOM sheegay in ay ka dhacaday meel 45km dhinaca waqooyi galbeed ka xigta magaalada Kismaayo, laguna dilay 13 ka tirsan al-Shabaab.

AFRICOM waxa ay ku sheegtay war saxaafadeed soo baxay maanta in duqayntu ay timid kad ib markii al-Shabaab ay soo weerareen ciidamada dawladda Soomaaliya.

Taliska AFRICOM waxay intaa ku dareen inaan dad rayid ah waxba ka soo gaarin duqeyntan, iyagoo balan-qaaday iney sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan ciidamada xoogga dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

George Floyd oo ugu dambeyn lagu aasay Magaaladii uu ku barbaaray ee Houston (Sawirro)

Caydiid Ali

Boqortooyada Sacuudiga oo ka Walaacsan talaabo cusub ay qaaday Israa’iil

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo ka hadlay bilashada Bisha Ramadan, shacabkana hambalyo u diray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---