Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DEG DEG: Ciidanka Somaliland oo laga qabsaday taliskii Goojacadde (Daawo Sawirro)

Ciidanka SSC ayaa la wareegay taliskii ciidamada Somaliland ee Goojacadde ka dib dagaal culus oo saaka ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood.

Waxaa baraha bulshada la soo geliyey muuqaalo iyo sawiro muujinaya ciidamada SSC oo dhex socda xarunta taliskii ciidamada Somaliland ee Goojacadde.

Ciidamadii Somaliland ee ku sugnaa saldhigaas ayaa looga taag roonaaday dagaalkii saaka ka qarxay magaalada Laascaanood duleedkeeda.

Sidoo kale gaadiid dagaal iyo maxaabiis ayaa la soo sheegayaa in ciidamada Somaliland looga qabdaday dagaalka saaka.

Goojacadde ka hor ciidamada SSC ayaa la wareegay Maraaga oo ah bar kantrool oo muhim ah oo ku taala wadada laamiga ah ee isku xirta Laascaanood iyo Garoowe. Waxaana goobtaas gacanta ku heyay ciidanka Somaliland, qabashada Maraaga ayaana SSC u fududeysay iney qabsadaan taliskii Somaliland ee Goojacadde.

Dabaaldagyo ayaa ka bilowday gudaha magaalada Laascaanood kuwaasoo loogu dabaaldagayo qabsashada Goojacadde ee SSC.

HOOS KA DAAWO SAWIRRO

Related posts

Guddiga qaban qaabada Ciyaaraha Dowlad goboleedyada oo la magacaabay (Magacyada)

Cabdi Cade

Somaliland oo qoraal xasaasi ah kasoo saartay Caqabadaha ka heesta maamulka hawada

Cabdi Cade

Ciidamo ka dambeeyay Dagaal Kismaayo ka dhacay oo Maxkamad lasoo taagay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---