Ciidamo ka dambeeyay Dagaal Kismaayo ka dhacay oo Maxkamad lasoo taagay (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta Maxkamada ciidamada qalabka sida ee maamulka Jubbaland lasoo taagay 14-askari oo lagu eedeeyay in ay sabab u ahaayeen dagaalkii maalmo kahor ka dhacay magaalada Kismaayo.

Ciidamadan maanta Maxkamada lasoo taagay ayaa lagu eedeeyay in ay khal khal galiyeen amaanka magaalada Kismaayo ayna abuureen xiisad dhalisay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Cabdirisaaq Cumar Cabdullaahi oo ka mid ah askarta maanta Maxkamada lasoo taagay ayaa  lagu eedeeyay in uu si bareer ah u dilay Nabadoon Xasan Goolow Muxumed oo kamid ahaa waxgaradka Kismaayo.

Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sidda ayaa sheegay in Ciidamadaas ay hogaaminayeen labo xidigle Aadan Dhuubow Ibraahim,Maxamed Muxumed Xaad, Cabdi Cali Carte Qalinle,kuwaas oo ka kala tirsanaa Ciidamada Booliska,Nabadsugidda iyo Daraawiishata Jubbaland.

Maxkamada ayaa dib u balamisay dhageysa dacwadaha loo heesto askartan katirsan maamulka Jubbaland, waxaana garsoorka Maxkamada sheegeen in dhageysisa labaad ee Maxkamada dhici doonto lixda bisha November ee soo socota.

- Advertisement -