Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maamulka G/Banaadir oo soo saaray digniin ku socota guryaha & Garaashyada

Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo saaray awaamiir cusub iyo digniin la xariirta xaqiijinta amaanka magaalada

Awaamiirtan ayaa ku socota Garaashyada iyo Guryaha ku yaala degmooyinka Muqdisho.

Afhayeenka Maamulka G/banaadir Saalax Dheere ayaa sheegay in lala wareegi doono Garaashyada iyo Guryaha laga soo tuuro ama lagu dhex farsameeyo waxyaabaha qarxa.

“Maamulka gobolka waxa uu faraya dadka leh guryaha banaan ee aan deegaan aheyn ee ku dhaxyaala magaalada iyo hareeraheeda iyo waliba garaashyada ku yaala koonaha magaalada Muqdisho in lala wareegi doono gurigi ama garaashkii laga soo tuuro ama lagu farsameeyo waxyaabaha qarxa” ayuu yiri Afhayeenka maamulka gobolka.

Arrintan ayaa ku soo beegantay xili mudooyinkii dambe ay magaalada Muqdisho ku soo kordhayeen falalka amni darada ah iyo weerarada Al-shabaab geysanayaan oo isugu jira qaraxyo iyo kuwa toos ah.

HOOS KA DAAWO HADALKA AFHAYEENKA

 

Related posts

Imaaraadka oo gaadiid nuucyo kala duwan leh ku wareejiyay maamulka Puntland (Sawirro)

Cabdi Cade

Golaha Wasiirada oo Xil Muhiim ah u Magacaabay Cabdi Sheekh Axmed (Akhriso Taariikh Nololeedkiisa)

Cabdi Cade

Ocboter- Bar kulmisay dhacdooyin badan oo Soomaaliya Xasuus ku leh

Cabdi Cade
Taboola Ads ---