Allbanaadir.com
NEWS

Xukun jilacsan oo lagu riday nin Injineer Kenyan ah ku dilay magaalada Muqdisho

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun ku riday nin lagu helay in uu dhawwaan agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku dilay nin injineer ah oo u dhashay dalka Kenya.

Xasan Cabdiraxman Indha-yare ayaa ku eedeysan in uu ka dambeeyay dilka Fredrick Odhiambo Owino oo kenyan ah iyo ka tagista goob shaqo fasax la’aan, waxaana ninkan maxkamadda la horgeeyay cadeymo la xariira dilka uu geestay.

Ninkan dilka geestay ayaa 20-kii bishii July ee sannadkan xabbad uu ka tuuray bistoolad biljim ah madaxa kaga dhacday Fredrick, isagoona is hor istaag ku sameeyay dhismo halkaasi ka socday.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koobaad ee ciidamada Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku xukumay gacan-kudhiiglaha shan sanno oo xabsi ciidan ah iyo bixinta lacag magdhaw ah oo la siiyo ehelka injineerka uu dilay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xasan Shiikh oo qoraal xasaasi ah ka soo saaray xaalada dalka iyo shirka Wadatashiga

Caydiid Ali

Dowlada Somalia & dowlad goboleedyada xubnaha ka ah oo go’aan wadajir ah soo saaray

Caydiid Ali

Hormuud oo Deeq Raashiin ah u qeybisay Qaar ka mid ah qoysaska Danta yar (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---