Hormuud oo Deeq Raashiin ah u qeybisay Qaar ka mid ah qoysaska Danta yar (Daawo Sawirada)

Hay’adda Hormuud Foundation ayaa maanta Deeq Rashiin gar gaar ah u qeybiyay Qaar ka mid ah Qoysaska Dadka laga tira badan yahay ee ku dhaqan Magaaladda Muqdisho iyo Daafaheeda.

Deeqdan oo ka Kooban Bur, Bariis, Sonkor, Baasto, Salliid & Timir ayaa Hay’adda Hormuud Telcom Foundation waxay Magaaladda Muqdisho ugu qeybisay in ka badan 250 Qoys oo ka mid ah Qoysaska ka soo jeeda Dadka laga tira badan yahay.

Qeybinta Deeqdan ayaa Loogu talagalay in Qoysaskan ay u kaashadaan Gudashada Waajibaadka Bisha Barakeysan ee Ramadan.

Gudoomiyaha Hay’adda Hormuud Foundation Cabdullaahi Nuur Cismaan ayaa Warbaahnta u sheegay in  Ahmiyadda Qeybinta Deeqdan Raashiinka ay tahay sidii ay Dadka u baahan gar gaarka u caawin lahaayeen ilaa inta lagu guda jiro bishan Barakeysan ee Ramadaan.

Xildhibaan Yuusuf Xeyle Jimcaale oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya iyo Suldaan Xasan Cabdulle Suldaan Kaariye oo ka qeyb galay munaasabadda deeq bixinta ah ayaa Shirkadda Hormuud uga Mahad Celiyay deeqdan oo ay ku tilmaameen in sanad walba ay sidan usoo gaadho, waxayna maamulka Hormuud ku amaaneen in ay yihiin kuwo aad ugu dhega fudud Codsiyada uga yimaada dadka gargaarka u baahan.

Qaar ka Mid ah Dadka la Siiyay Deqdan oo ka mahad Celiyay Madaxda Shirkadda Hormuud iyagoo qeybinta deeqdana ay ku tilmaameen mid lagu soo beegay xiliga loo baahnaa.

Tan iyo Markii la guda galay Bisha Ramadaan Hey’adda Hormuud Telcome Foundation ayaa waxay sidan oo kale u Qeybisay Deeqo isugu jira Raashiin iyo Lacag loogu talagalay in lagu Caawiyo Dadka u baahan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -