Ra’isul Wasaare Kheyre iyo Wafti uu hogaaminayo oo goordhaw ka dhoofay Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre iyo wafti uu hogaaminayo ayaa goordhaw ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Waftiga uu hogaaminayo Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa u ambo baxay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya , waxaana lagu soo waramayaa in Ra’isul Wasaaraha uu casuumad ka helay Madaxweynaha Kenya .

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa la filayaa inta uu magaalada Nairobi joogo in kulamo la qaato Madaxda dowlada Kenya , Safiiro iyo qaar kamid ah Hay’adaha ka howlgala magaalada Nairobi.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -