Magaalada Kismaayo oo Noqotay Marinka Qasa oo kale !!

Tan iyo Markii ay Burburtey Dowladii Dhexe ee Soomaaliya 1991 waxaa la waayey oo Gebi ahaanba burburay Dhamaan Adeegyadii Bulshada, waxaana dhibaatadaas ka damqadey qaar ka mid ah dadka Soomaliyeed waxayna si Tartiib ah ku soo celiyeen adeegyadii Bulshada ayagoo in badan Magaalooyinka ka hirgeliyey Shirkado yaryar oo qabta adeegyadii arimaha Bulshada sida Waxbarashada, Caafimaadka, Isgaarsiinta, Korontada, Biyaha, Nadaafada iwm.

Shirkadahaas waxaa ka mid ah Shirkadda Korontada Kismayo KEPA oo laga hirgaliyey Magaalada Kismaayo sanadkii 2003 bishii Febaraayp taasoo noqotay shirkadii ugu horesay ee bixisa Adeeg Koronto Magaalada Kismaayo 1991dii ka dib.

Shirkada KEPA waxaa ku midoobay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ka soo jeeda Jubaland, waxaan Milkiilayaasha shirkadda ka mid ah shaqsi si aad ah looga yaqaano Jubaland gaar ahaan Magaalada Kismaay islamarkana Xil culus ka haya dowlada Federalka ee Soomaaliya ninkaas oo la yiraahdo Mowlid Xusewn Guhaad oo ah Gudomiye ku xigeenka Golaha Aqalka Sare ee PFS.

Dulucda Qormadan waxaan Diirada ku saari doonaa Dhacdo fool xun oo Fajac iyo Argagax ku noqotay Bulshada qeybaheeda kala duwan ee ku nool Magaalada Kismaayo kuwaas oo xiriir la soo sameeyey Albanaadir.

Waxayna u sheegeen in Maalintii Axada 7dii aroornimo Shacabka Reer Kismaayo ay ku waabariistay Ayadoo CAGAFYO lagu burburinayo Dhismaha Xaruntii Shirkada Korotada KEPA waxana Amarka Burburinta bixiyey Axmed Madoobe isagoo Siiyey Nin ay ilma adeer yihiin oo la yiraahdo Xasan Cabdulahi Cumar Karate oo leh shirkad Ganacsi.

Sida ay sheegeen dadka reer Kismaayo Howgalka Burburinta xarunta Shirkadda waxaa ilaalo ka haya ilaa hadda Ciidamo Gaashaaman si ay uga hortagaan shacabka careysan reer kismaayo in aysan hor istaagin Howlgalka Burburnita kuwaasoo doonayey in la joojiyo Burburinta dhismaha shirkada lagu sameynayo ee sharci darada ah.

Dareenka shacabka Reer Kismaayo ayaa wuxuu gaaray Heer ay yiraahdaan Kismaayo waxay Noqotay Marinka Qasa. Ficilada Axmed Madoobe ee Dilka, Xariga, Masaafurinta qabyaalada, barakicin, dhul boobka ayaa wuxuu la mid yahay Ficilada israa.iil Muslim Naceyb, Dil, xarig, musaafurin, barakicin dhulboob ay ku hayaan guud ahaan Dadka Reer Falastiin gaar ahaan Daanta Galbeed ee Marinka Qasa Sida ay qaar ka mid ah dadka reer Kismaayo sheegeen Burburinta Dhismaha shirkadda waxay socotay 6 maalmood oo xariir ah oo ka bilaatay 26–30.01.2020 maalin walba 7da aroornimo ilaa 6da maqribnimo waxaana loo Adeegsanayey CAGAFYO waaweyn Halkaas waxaa ka muuqata inuu dhismaha xarunta Shirkada Korantada KEPA uu ahaa Dhismo baaxad weyn oo ugu baxay dhaqaale fara badan.

Allbanaadir ayaa xiriir la sameysay Gudoomiye Ku Xigeenka 2aad Golaha Aqalka Sare PFS Senator Mowlid Xuseen oo ka mid Milkiilayaasha Shirkadda wuxuuna si kooban u sheegay in markii ay soo gaartay in la burburinayo Dhismaha Xarunta Shirkadda in isaga iyo Senator Cabdulahi Ismaaciil Fartaag ay waceen Axmed Madoobe iyo labadiisa ku xigeen laakiin uma suurtagelin in ay helaan ka dib waxay sheegeen in ay waceen Duqa Magaalada Kismaayo, waxayna weydiiyeen sababta loo burburinayo dhismaha shirkadda Duqa Magaalada wuxuu sheegey in amarka lagu Burburinayo uu bixiyey Axmed Madoabe isagoo sheegey in uusan waxba ka qaban karin, Senator Mowlid wuxuu intaa raaciyey

“Ma jirto wax xiriir ah (Qoraal ama Telefoon) oo lala soo sameeyey milkiilayaasha shirkadda ka hor inta aan la burburinini Dhismaha shirkadda mana ogin sababta loo burburiyey Hantidooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -