Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaha Ciidanka Xoogga iyo Saraakiil Mareykan ah oo tagay furumaha dagaalka (Sawirro)

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jenaraal Ibraahim Muxyadiin iyo saraakiil ciidan oo la socota ayaa gaaray degmada Galcad ee gobolka Galgaduud, halkaas oo fariisin weyn u ah ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibadooda caawinaya.

Jeneraal Ibraahim Muxyadiin waxaa safarka ku wehliyay saraakiil katirsan ciidanka milatariga Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya, kuwaa oo dagaalka ka taageera ciidanka kumaandooska Danab ay tababareen.

Taliyaha ciidanka xoogag dalka iyo saraakiisha la socota ayaa kormeeray furimaha hore iyo difaacyada ciidamada  xoogga ku leeyihiin Magaalada Galcad, waxa ayna halkaasi kula kulmeen saraakiisha ciidanka hoggaamineysa.

Taliyaha iyo saraakiisha la socotay oo la hadlay ciidanka furumaha hore ee dagaalka ku sugnaa ayaa kula dar-daarmay in ay u diyaar garoobaan dagaal adag oo ay la galaan kooxda Al Shabaab ee ku sugan qeybo kamid ah gobolka Galgaduud.

Socdaalka taliyaha ciidanka xoogga dalka ku tagay Galcad ayaa kusoo aadeysa xilli maanta ciianka xoogga iyo kuwa deegaanka u dhaqaaqeen degmada Ceelbuur iyo deegaannada hoostaga , halkasa ay doonayaan in ay ka saaraan kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Diyaarad ku bur burtay dalka Kenya iyo Muwaadiniin Mareykan ah oo ku dhintay

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wasiirka Gaashaandhigga Talyaaniga (Sawirro)

Cabdi Cade

Qaraxyo & rasaas culus oo mar kale laga maqlayo Laascaanood & Wararkii u dambeeyey

Caydiid Ali