Allbanaadir.com
NEWS

Dagaalyahan kasoo goostay Al Shabaab oo lasoo bandhigay kana hadlay sababta uu …

Ciidanka milatariga dowladad Soomaaliya gaar ahaan qeybta 60-aad ayaa soo bandhigay dagaalyahan katirsanaa kooxda Al Shabaab , kaa oo sheegay in uu kasoo baxsaday kooxdaasi iskuna soo dhiibay ciidanka dowladda.

Isxaaq Mayow Moxamuud oo Magaca afgarashada ee Al Shabaab loo yaqaanay uu ahaa (Sayib) ayaa isku soo dhiibey ciidanka xoogga Dalka , waxa uuna ninkan sheegay in Al Shabaab katirsanaa muddo afar sanno ah.

Ninkan ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in uu kamid ahaa dagaalyahannada jabhada ee kooxda Al Shabaab, waxa uuna cadeeyay in uu kasoo dagaallamay gobolo dhowr ah ay kamid yihiin Shabeelaha Hoose, Hiiraan ,Gedo iyo Jubbooyinka.

Wareysi uu bixiyay ayuu ninkan kasoo goostay Al Shabaab ku sheegay in uu uga soo tagay kooxdii uu katirsanaa dhibaatooyin uu sheegay in dhaxdooda ka jiro, waxa kale uu tilmaamay in sidoo kale kooxdan dhibaato ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Ugu Dambeyn Isxaaq Mayow ayaa ugu baaqay saaxiibadiisa kale ee wali katirsan kooxda Al Shabaab in ay isaga soo tagaan kooxdaasi, waxa uuna xusay in ciidanka dowladda soo dhaweeyeen si wannaagsana ula dhaqmeyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xabad ku dhacday Qaboojiyaha Villa Hargeysa iyo Doorashada oo goobtaasi laga bedelayo

Cabdi Cade

Amaro cusub oo lagu soo rogay gaadiidka xamuulka ka soo qaada dekeda Muqdisho

Caydiid Ali

Kenya oo looga digay Halista uga imaan karta Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---