Allbanaadir.com
NEWS

Muuse Biixi oo Dhagax-dhigay Dhismeyaal cusub oo lagu soo kordhinayo keydka haamaha Shidaalka Berbera

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay haamo cusub oo keydka shidaalka ah oo ay shirkadda Trafigura ka hirgelin doonto magaalada Berbera.

Muuse Biixi iyo wefti uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga magaalada Berbera , ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay haamo cusub oo casri ah oo la dhisi doono, kuwaas oo wax badan ka tari doona baahida shidaalka ee dalka iyo midda deriskaba.

Maareeyaha haamaha shidaalka, Mudane Axmed Ibraahim Cabdi oo halkaas ka hadlay, ayaa faah faahiyey muhiimadda uu mashruucani u leeyahay qaranka, waxana uu ku tilmaamay maal-gashi weyn oo soo jiidan kara shirkado kale oo caalami ah.

Wasiirrada wasaaradaha horumarinta Maaliyadda iyo Ganacsiga, Dr. Sacad Cali Shire iyo Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), ayaa iyaguna si isku mid ah usoo dhaweeyey maalgashiga dhinaca keydka shidaalka ah ee ay shirkadda Trafigura ka hirgelisay Berbera, waxana ay xuseen inuu mashruucani Somaliland guul u yahay.

Madaxweyne Biixi oo munaasibadda kelmedo kooban ka jeediyey, ayaa soo dhaweeyey mashruucan keydka shidaalka lagu dhisayo, waxana uu tilmaamay inay ka dawlad ahaan amniga shirkadda iyo dhaqaalahoodaba ballan qaadayaan.

“Somaliland waxa ay shirkadda Trafigura u ballan qaadaysaa nabadgelyo, wada-shaqayn iyo horumar, dhaqaalahooda, dadkooda iyo qalabkooduna ay ammaan ku noqonayaan Somaliland.” ayuu yi madaxweyne Biixi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saadiq Cabdilaahi Cabdi :-Nidaamka Federaalka waa “Dameer iyo labadiisa daan”

admin

Dowlada Somalia oo soo bandhigtay Magacyada Saraakiil laga dilay Al-Shabaab

Caydiid Ali

Ciidanka Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay Xasan Sufiyaan Qoorey & ilaaladiisa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---