Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DAAWO TOOS: Xaflad weyn oo ka socota Dhuusamareeb iyo Xassan Shiikh oo ka qeyb galaya

Magaalada Dhuusamareeb waxaa caawa ka socota xaflad ballaaran oo loogu dabaaldegayo sanadguurada 17aad ee ka soo wareegtay aasaaska maamulka Galmudug.

waxaa ka qeyb galaya Xafladan oo si weyn loo agaasimay Masuuliyiin uu horkacayo Madaxweynaha Somalia Xassan Shiikh Maxamuud, hogaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Qoorqoor, wasiir kala duwan, saraakiil iyo xubno kale.

Waxaa sidoo kale ka qeyb galaya odayaasha dhaqanka, siyaasiyiin, dhalinyarom haween,  qeybaha bulshada iyo fanaaniin halkaas ka qaadaya Heeso iyo suugaan kale oo ku saabsan aasaaska Galmudug.

Madaxda Qaranka, kuwa Galmudug iyo masuuliyiin kale ayaa la filayaa iney xaflada ka jeediyaan khudbado kala duwan oo looga hadlayo muhimada ay leedahay munaasabadan, dagaalka Al-shabaab iyo xaalada guud ee dalka.

HOOS KA DAAWO TOOS

Related posts

Madaxweyne Qoor Qoor oo kulmay Xildhibaanada laga soo doortay Galmudug

Cabdi Cade

Dowladda Turkiga oo war hor leh kasoo saartay Kiiska dilka wiilka madaxweynaha Soomaaliya

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoor Qoor oo laga yaabo in uu ka laabto Guddiga Doorashada uu Magacaabay(Sawiro)

admin
Taboola Ads ---