Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay Magaalada Nairobi

Qarax Ka dhashay Haanta Gaaska cuntada lagu karsado ayaa ka dhacay xaafada Islii ee magaalada Nairobi kaasoo sababay Dhimasho iyo Dhaawac

Saraakiisha amaanka ee degmada Kamakunji oo goobta kula hadlay saxaafadda ayaa sheegay in qaraxan uu ka dhacay dhisme ku yaalla wadada 12aad ee xaafada Islii.

Taliyaha qaybta booliska Bururburu, Fransis Kamau ayaa xusay in qaraxaas uu dhacay galabta.

“Abaare sagaal saac oo galabnimo waxaa halkan ka dhacay qarax, bilowgii ma aanan fahmin waxa sababay, balse waxaan u yeernay kooxdayada khabiirada ah oo markii dambe sheegay inuu ka dhashay haan gaaska cuntada lagu karsado ah oo gaasku kasoo baxayey, waxaanu ka shaki qabnaa in markii kibriidka la shiday uu qaruxu ka dhashay.” ayuu yiri taliyaha.

Waxa uu taliyuhu sheegay in loo xaqiijiyey dhimashada hal qof oo la sheegay inuu meel ku dhacay isaga oo qaraxa ka baxsanaya halka saddex kale ay ku dhaawacmeen kuwaasoo isbitaalka lagu dabiibayo.

Fransis Kamau ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in qaruxu uu ka dhashay bam balse uu yahay shil ka dhashay haanta gaaska cuntada lagu karsado.

 

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ku dhawaaqay xilliga uu furmayo Shirka Dib u Heshiisiinta KGS (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo raaligelin ugu tagay gurigiisa Senator Muuse Suudi

Cabdi Cade

Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia oo ansixiyey labo sharci oo xasaasi ah

Caydiid Ali