Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xaalada Maxaabiista xabsiga dhexe oo laga dayriyey iyo Golaha shacabka oo ka dooday

Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow, ayaa maanta shir guddoomiyay Kalfadhiga Seddaxaad Kulankiisa 18-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ajandaha kulanka oo ahaa

1-dhameystirka dooda warbixinta guddiga wadajirka ah Xabsiga dhexe ee Xamar,

2-Akhrinta koowaad ee heshiiska dhismaha aagga Ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika,

3-Qeybinta warbixinta akhrinta 3-aad  ee Hindise Sharciyeedka Hantidhowrka guud ee Qaranka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo dood adag ka yeeshay warbixinta Xabsiga dhexe ee Xamar iyagoona sheegay in aan la aqbali karin in dad muwaadiniin soomaali ah si sharci-dara ah ugu xirnaadaan xabsiga dhexe ee xamar sidoo kale dooda xildhibaanada waxaa kamid ahaa arinta xildhibaanad hore oo xabsiga ku xiran iyadoona wali helin wax cadaalad ah, intaas kadib Guddoomiyaha ayaa ugu mahadceliyay xildhibaanada doodooda sidoo kale waxa uu u mahadcelin u jeediyey sadexda Guddi ee warbixnta ka soo diyaariyay arrimaha ka taagan xabsiga asigoona sheegay in Guddoonka Golaha shacabka BJFS  uu la fariisan doono Maalinta berita ah sedaxda Guddi ee loo xilsaaray inay warbixin kasoo diyaariyaan arrimaha ka jira xabsiga dhaxe ee xamar.

Intaasi kadib ayaa waxaa la guda galay ajendaha kale oo ku saabsanaa akhrinta 1aad ee Heshiiska dhismaha aagga Ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika

Dhismaha hay’adda Aagga Ganacsiga Xorta ah oo uu ka hor akhriyey Wasiirka Ku-xigeenka Wasaarada  Ganacsiga iyo warshadaha XFS Mudane Cusmaan Maxamed Cabdi (Daallo) isigoona sheegay in heshiiskan uu Dalka Muhiim u yahay loona baahanyahay xildhibaanada in ay Ahmiyad gaar ah siyaaan.

Intaasi kadib Xildhibaanada ayaa dood adag ka yeeshay heshiiska dhismaha aagga Ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika, Iyagoona Su’aallo kaweeydiiyay qodobo kamid ah Heshiiska uu wasiirka hor keenay xildhibaanada ayaa su’aalahooda iyo doodooda u badneeyd toosin iyo talo soo jeedin ku saabsan heshiiska dhismaha aagga Ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika,

Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow, ayaa soo xiray kulanka maanta isagoona faray Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS Mudane. Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle “Jaabiri” sida uu qabo xeerhoosaadka inuu ku wareejiyo Guddiga ku shaqada leh heshiiskan.

 

Related posts

Caqabado soo wajahay Shirkii saakay ka furmi lahaa Muqdisho iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Cabdi Cade

Ciidamada dowlada Somalia oo dagaal kula wareegay degaano cusub oo ka tirsan..

Caydiid Ali

DEG DEG: Kenya oo shaacisay in loo fasaxay ganacsigii Qaadka ee Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---