Cabdikariin Qalbi-dhagax oo lagu soo dhoweeyey Magaalada Hargeysa (Daawo Sawirro)

Cabdikariin Muuse Qalbi-Dhagax oo ka mid ah saraakiisha Jabhada ONLF, dhawaana laga sii daayey xabsi ku yaalla magaalada Addis Ababa ayaa saaka gaaray magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland

Qalbi-Dhagax ayaa ka ambabaxay Magalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Hargeysa.

Shacab fara badan oo xiran Calanka dowlad degaanka Soomaalida iyo mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland ayaa ka qeyb ka qaatay soo dhaweynta Qalbi-dhagax oo laga dareemay Hargeysa.

Qalbi-dhagax oo garoonka dayuuradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa kula hadlay saxaafada ayaa ka mahad celiyey soo dhaweynta loo sameeyey, isagoo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu tago Magaalada Hargeysa.

“Waxaan salaan idinkaga sidaa madaxda ONLF oo sidoo kale dhowaan soo gaari doona magaalada Hargeysa” ayuu yiri Qalbidhagax oo kulamo la qaadan doona Masuuliyiin uu ku jiro Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Maamulka Somaliland ayaa xubno lagu tuhunsanaa iney xubno ka yihiin Jabhada ONLF u gacan geliyay xukumadihii ay hogaaminayeen Raisul Wasaareyaashii hore ee Itoobiya, iyadoo soo dhoweynta Qalbidhagax ay tahay mid la jaanqaadeysa isbedelka ka dhacay Itoobiya oo liiska argagaxisada ka saartay Jabhada uu ka tirsan yahay ee ONLF.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -