(Sawirro) Ciidamada Ruushka oo Taliye sare looga dilay dagaalka ka socda Ukraine

Dowladda Ruushka ayaa xaqiijisay inuu dhintay mid ka mid ah Jeneraalada ugu sarreeya ee Moscow ka joogay Ukraine, kaddib dagaal culus oo ka dhacay gobolka Donbas.

Gen. Roman Kutuzov ayaa la dilay isagoo hogaaminaya weerar lagu qaaday degaan ay degan yihiin ciidamadda Ukraine oo ku yaala gobolka Donbas.

Militariga Ukraine ayaa sidoo kale xaqiijiyay dilka Gen Kutuzov, iyagoo aan bixin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan sida ay wax u dhaceen.

Dhinaca kale, Ruushka ayaa ku andacoonaya in uu burburiyay dhismayaal warshadeed oo ku yaallay warshad dayactir ku samaynaysay baabuurta hubaysan ee Ukraine oo ku taalla gobolka Kharkiv.

Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa sheegtay in diyaarad kale oo militariga Ukraine la soo riday. Ruushka ayaa sidoo kale sheeganaya in 18 kale oo kamid ah, taangiyada Ukraine ayaa sidoo kale la burburiyay waxaana la dilay 450 oo kamid ah dagaalamayaasha Ukraine.

- Advertisement -