Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo arrimo Muhiim ah kala hadlay Catriona Laing (Sawirro)

Guddoomiyaha Aqalka Sare BFS Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Marwo Catriona Laing oo uu wehliyo Mudane Paul Partner oo ah sarkaal UNSOM u qaabilsan arrimaha siyaasadda.

Guddoomiyaha iyo Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM waxay si ka wada hadleen, xaaladda guud ee Dalka, arrimaha dib u eegista Dastuurka ee haatan socota, habka ugu haboon ee lagu qaban karo doorashooyin qof iyo cod.

Waxa ay sidoo kale kulanka uga wada hadleen sidii dalku uga guuri lahaa nidaamka qabiilka ku salaysan ee 4.5 looguna guuri lahaa nidaam ku salaysan axsaab, iyo sidoo kale sidii hay’adaha QM gacan uga gaysan lahayd fududaynta arrimahaas horyaalla Qaranka.

Madaxda ka socotay Qaramada Midoobay ayaan u ballan-qaaday guddoomiyaha Aqalka Sare in ay Soomaaliya ka caawin doonaan sidii uga dhici laheyd doorasho loogana gudbi lahaa nidaamka qabaliga ee ku dhisan 4.5.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sirdoonka Mareykanka oo farta ku fiiqay Shakhsigii amray Dilka Jamal Khashoggi

Cabdi Cade

(Sawirro) Axmed Madoobe oo la kulmay Saraakiil & Waxgarad ka soo horjeeday

Caydiid Ali

Dowladda Soomaaliya oo qorshayaal cadcad la tageysa shirka Spring Meetings

Cabdi Cade
Taboola Ads ---