Jamaal Qaasim oo Qoraal deg deg ah kasoo saaray Shaqo joojintii lagu sameeyay (Akhriso)

Qoraal kasoo baxay  Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Soomaaliya C/rashiid Maxamed Axmed ayuu ku cadeeyay in shaqo joojin ku sameeyay Xoghayihii Joogtada ee Wasaarada , waxa uuna ku eedeeyay Xogahaya arimo kala duwan.

Xoghayihii Joogtada ee Wasaarada Batroolka iyo Macdanata Soomaaliya Jamaal Qaasim Mursal ayaa qoraal uu caawa soo gaarsiiyay Shabakada Allbanaadir uga jawaabay shaqo joojin uu ku sameeyay – -Wasiirka Batroolka iyo Macdanta C/rashiid Maxamed Axmed.

Jamaal ayaa qoraalka uu soo saaray ku sheegay in Wasiirka uusan awood u laheyn in uu shaqo joojin ku sameeyo sidoo kale wareejiyo, waxa uuna cadeeyay in xilka uu usoo magacaabay kana qaadi karo kaliya Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya .

Xoghayaha Joogtada ayaa sidoo kale beeniyay eedeemo Wasiirka usoo jeediyay oo ahaa shaqo xumo iyo in uu bixiyay sirta Wasaarada, waxa uuna Jamaal cadeeyay in Wasiirki shaqadii Wasaarada gacanta u galiyay dad qaraabo iyo saaxiib la ah kana doorbiday masuuliyiinta iyo shaqaalaha kale ee Wasaarada.

Halkan ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Xoghayihii Joogtada ee Wasaarada Batroolka iyo Macdanta


Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -