Xildhibaan Afrikan ah raalli gelin buuxda u diray Harry Maguire uu horey u weeraray

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka Ghana ayaa raalli gelin buuxda siiyay daafaca xulka Qaranka Britain iyo kooxda Manchester United Harry Maguire, kaddib weerar dhinaca afka ah uu horey ugu qaaday .

Isaac Adongo oo katirsan xildhibaannada mucaardka Chana ayaa xilliga uu weerarka afka ah ku qaaday ciyaaryahan Harry Maguire isbarbardhiggay waxqabadkiisa iyo maamul xumada dowladda Chana ee dhinaca dhaqaalaha.

Xildhibaanka ayaana sheegay in uu ka raaligelinayo ciyaaryahanka dhaliishii uu usoo jeediiyay ,waxa uuna  tilmaamay in daafaca Manchester United Harry Maguire uu is bedelay oo uu noqday ciyaaryahan muhiim u ah kooxdiisa.

Isaac Adongo ayaa si naxariis darro ah ugu taag taagsaday ciyaaryahanka xilli uu xaalad adag ku jiray, waxa uuna ku tilmaamay in Maguire uu ahaa ninka ka caawiya kooxaha ka soo horjeeda in ay goolal ka dhaliyaan kooxdiisa.

Hadalka Xildhibaanka waxa uu qosol ka dhex abuuray baarlamaanka isaga oo sheegay in Ghana ay haysato qof uu ugu yeeray Maguire, isaga oo ku eedeeyay madaxweyne ku xigeenka dalkaas Bawumia inuu masuul ka yahay sicir bararka iyo deynta sii kordhaysa.

Muuqaalka xildhibaankan baarlamaanka dhaxdiisa ku weeraray ciyaaryahanka Harry Maguire ayaa si weyn ugu baahay baraha bulshada, waxa uuna muuqaalkan noqday mid si weyn loogu maadeysto ciyaaryahanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -