Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowlad shaacisay iney mamnuuceyso cunista hilibka Eeyga & Muran ka dhashay

Madaxweynaha koonfurta Korea, Moon Jae-in, ayaa sheegay iney ka fikirayaan iney mamnuucaan cunista hilibka Eyga oo shacabka dalkaas ay si weyn isticmaalaan.

Isagoo ka hadlayey madaxweynaha shir uu la lahaa ra’iisal wasaariisa ayaa Mr Moon waxaa uu tilmaamey haatan iney jiri karto suurta galnimada in la soo saaro awaamiir mamnuuceysa cunista hilibka Eyga.

Waxaa kal hore la meel mariyey sharci ka hortagaya in xayawaanka sida Yaanyuuraha iyo Eyda, in loola dhaqmo si aan habbooneyn.

shacab badan oo dalkaas u dashay ayaa ka si weyn u diidan joojinta hilibka Eeyga, kuwaasoo doodo ka keenay go’aanka ay damacsan tahay dowlada

Qiyaastii hal milyan oo Ey, ayaa lagu gawracaa maalin kasta  dalka Korea-yada Koonfureed, si loo cuno, waxaana uu ka mid yahay cunooyinka daruuriga ee dalkaas laga isticmaalo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan oo dowladda Finland kala hadlay Xadgudubka Itoobiya

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo joojisay xaflad caawa ka dhici laheyd hotel ku yaalla Muqdisho

Caydiid Ali

Iran oo xukun dil ah ku fulisay nin basaas u ahaa Mossad

Caydiid Ali
Taboola Ads ---