Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Muxuu RW Xamse Barre kala hadlay danjire Mike Nithavrianakis?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda UK u fadhiya Soomaaliya, Mike Nithavrianakis.

Waxay ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska RW Xamsa

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Danjiraha la wadaagay qorshaha Xukuumadda ee ku wajahan dib u xoreynta dalka, taageerada loogu baahan yahay barnaamijka xasillinta deegaannada laga xoreeyo al-shabaab.

Sidoo kale labada masuul ayaa isla soo qaaday dardar-galinta mashruucyada horumarineed ee UK ay ka taageerto Soomaaliya ee dhinacyada horumarinta, gargaarka iyo amniga.

Dowladda UK ayaa ka mid ah dalalka deeqda bixiya ee sida weyn u taageera dowlada Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada, amaanka, dhaqaalaha iyo horumarinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Rooble oo xil cusub u Magacaabay Maxamed Faarax Sabriye

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Ninkii ka dambeeyey weeraradii ka dhacay Paris oo xukun adag lagu riday

Caydiid Ali

Haweeney ninkeeda ku dacwaysay inuu geyn waayey Xaramka iyo furiin dhacay !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---