Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay Lataliye Xamse Warfaa (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka   Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Lataliyaha Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Insaanka Wasaaradda arrimaha Dibadda Maraykanka Mudane Xamse Warfaa.

Lataliyaha Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Insaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Mudane Xamse Warfaa ayaa guddoomiye Sheekh Aadan uga mahad-celiyey soo dhaweynta loogu sameeyay xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa, ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay ka soo kabaneyso colaadihii sokeeye ee soomaray ayna cagta saartay dhabihii horumarka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa la Lataliye Warfaa ku ammaanay doorkiisa firfircoonida leh uu ka qaatay inuu ka soo muuqdo Dowladda Mareykanka, waxaana uu kula dardaarmay in dalka kaalintooda horumarineed ka qaatan, si ay ula jaanqaadaan dadyowga kala duwan ee dunida ku nool.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Sida diiran ee RW Khayre loogu soo dhoweeyey Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidanka Xoogga iyo Al Shabaab oo socda iyo DF oo ka hadashay

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo Ammar siiyay Guddoomiyaal Degmo iyo Saraakiisha Amniga (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---