Allbanaadir.com
NEWS

Madax kala duwan oo ka qeyb gashay Aaska Madaxweynihii hore ee Puntland (Daawo Sawirro)

Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Garawe ee caasimada maamul goboleedka Puntland aas balaaran loogu sameeyay Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Yuusuf oo dhawaan ku geeriyooday dalka Kenya.

Aaska Marxuumka waxaa ka qeyb galay masuuliyiin kala duwan ay kamd yihiin Gudoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamanaka federaalka, qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada iyo masuuliyiin kale.

Madaxdii kala duwanaa ee ka hadashay aaska Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa u tacsiyeeyay eheladii uu ka baxay Madaxweynihii hore ee Puntaland, waxa ayna sheegeen in uu ahaa nabadoon wax badan usoo qabtay reer Puntland.

Magaalada Garawe ayaa sidoo kale la filayaa in lagu aaso Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax oo isna ku geeriyooday dalka Turkiga, waxaana aaska Xasan Abshir isna ka qeyb galaya masuuliyiin kala duwan .

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cali Guudlaawe: “Jowhar waxaa ka dhici doona doorasho hufan oo si dhab ah loogu tartamo”

Caydiid Ali

Su’aalo laga keenay qaabka uu u dhaawacmay Ciyaaryahanka caanka ah ee Max’ed Saalax (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo:-Abdirahman Abdishakur oo ka dhax sheegay shirkii Beesha Mudulood hadal ka wada farxiyay ka qayb galayaasha !!

admin
Taboola Ads ---