Madaxweyne Waare ma gobolka Hiiraan kaliya ayuu maamulaa Mise ?!!

  • Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle ayaa tan iyo markii la doortay ku mashquulsanaa xil ka qaadista iyo magacaabista  Gudoomiyaha gobolka Hiiraan iyo Gudoomiyaasha degmooyinka gobolkaasi.

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Hirshabelle oo kasoo jeeda gobolka Hiiraan ayaa inta uu xafiiska joogay marar badan xil ka qaadis iyo isbadal ku sameeyay maamulka gobolka Hiiraan iyo kan degmooyinka.

Wareegto dhawaan kasoo baxday Madaxweynaha Hirshabelle ayuu xilka uga qaaday Gudoomiyihii gobolka Hiiraan oo xilkaasi hayay bilooyin, waxa uuna mar kale Gudoomiyaha gobolka u magacaabay Yuusuf Dabageed oo horey dhoor mar xilkaasi usoo qabtay.

Dad badan ayaa isweeediinaya Madaxweynaha Hirshabelle ma Hiiraan kale ayuu maamulaan, ? waxaana isweediintan ka dhalatay in Madaxweynaha kaliya uu awoodo in uu isbadal ku sameeyo maamulka gobolka Hiiraan iyo taliyaasha ciidanka gobolkaasi.

Shacabka Beledweyne oo Maamulka Hirshabeelle ku eedeeyay in Gobolka Hiiraan loola dhaqmayo sida in TB laga daweynayo oo lixdii biloodba mar Guddoomiye cusub loo magacaabayo.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaan isbadal muuqda ku sameyn maamulka gobolka Shabeelaha Dhaxe oo katirsan maamukiisa, waxaana gobolkaasi Gudoomiye ka ah Axmed Meyre Makaraan oo xilkaasi hayay labo sano ka badan.

Dadka Siyaasada Falanqeeya ayaa aaminsan in Madaxweyne Waare awood u laheyn in isbadal ama magacaabis ku sameeyo maamulka gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxaana gobolkaasi maamusha oo looga dambeeyaa Madaxweyne kuxigeenka.

Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa la rumeesan yahay in uu meesha ku hayo Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhaxe iyo kuwa degmooyinka, waxa uuna Guudlaawe xubnhaasi la leeyahay xiriir aad u dhaw.

Maamulka Hirshabelle oo ah kan ugu da’da yar maamulada dalka ka jira ayaan wax horumar ah sameyn tan iyo markii la dhisay, waxaana maamulka ku fashilmay in ay isku furaan deegaanada ay maamulaan .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -