Morocco oo taariikh cusub qortay, una gudubtay Semi finalka (Sawirro)

Morocco ayaa noqotay waddankii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee gaara semi-finalka Koobka Adduunka ka dib markii  ay 1-0 ku garaacday Portugal.

Youssef En-Nesyri ayaa daqiiqadii 42-aad dhaliyay goolkii guusha, kaasoo Morocco ku abuuray han weyn oo ay ku faanayaan wadamada Carabta intii lagu jiray koobkii adduunka ee ugu horeeyay ee lagu soo bandhigo bariga dhexe.

37 jirka Ronaldo oo ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican kubbada cagta ayaa badal ku soo galay ciyaarta daqiiqadii 51 aad. hase ahaatee Laacibkan shanta jeer ku guuleystay Ciyaartoyga ugu fiican ee adduunka ayaa soo gabagabeynayo xirfaddiisa isagoo aan qaadin Koobka Adduunka ama uusan waligiis gaarin finalka.

Marooko oo soo gaartay wareegga 16-ka koobkii adduunka 1986-kii ayaa ah xulka kaliya ee ka yimid meel ka baxsan Yurub ama Koonfurta Ameerika oo heerkan gaaray.

Xulka Marocco oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa qaab ciyaareed fiican la yimid – weli lagama badin intii uu socday koobka adduunka, waxaana laga dhaliyay hal gool shantii kulan ee ay ciyaareen.

Marocco ayaa semi finalka la ciyaari doonta midkii soo baxa xulalka France iyo England oo caawa wada cayaari doona.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -