Allbanaadir.com
NEWS

Raísul Wasaarihii hore ee dalka Pakistan oo lagu riday xukun adag

Maxkamad kutaalla magaalada Islamabad ee dalka Pakistan ayaa xukun adag oo xabsi ah ku riday Raísul Wasaarihii hore ee dalka Pakistan Imran Khan oo lagu eedeeyay in uu ku kacay falal musuq maasuq ah.

Imran Khan ayaa maxkamadda ku riday saddex sanno oo xabsi ah, waxaana lagu helay Raísul Wasaare hore Imran Khan in uusan cadeyn lacag uu ka helay iibinta hadiyado dowladda la siiyay.

Xaakimka xukunka ku riday Imran Khan ayaa amray in si degdeg ah loo soo xiro, waxa uuna sheegay in laga maarmaan tahay in xabsi ku qaato xukunka maanta maxkamadda ku riday.

Qareenka Imran Khan iyo kooxaha kale ee u ololeenaya ayaa sheegay in xukunkan maxkamadda riday uu yahay mid siyaasadeed, waxa ayna sheegeen in ay racfaan ka qaadan doopnaan xukunkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wiil Dhallinyaro ah oo Muqdisho lagu dilay iyo Faahfaahino kasoo baxaya cida dishay

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo caawa Fariin u diray Madasha Wadatashiga Qaran

Cabdi Cade

(Sawirro) Muuse Biixi oo bilado gudoonsiiyey saraakiil ciidan oo Itoobiya lagu soo tababaray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---