Tareen jiiray muhaajiriin badan oo daal dartiis u seexday wadada tareenada

Dalka Hindiya waxaa ka dhacday mashaqo dad badan murugo ku reebtay, kadib markii dad muhaajiriin ah oo daal dartiis nasiino u seexday wado tareenada maraan uu jiiray tareen si xowli ah ku socday.

Shaqaalo muhaajiriin ah oo lugeenayay in ka badan 35-km ayaa la sheegay in daal kadib go’aansadeen in ay ku nastaan ayna seexdaan wado tareen iyaga oo aaminsanaa in wadadaasi uusan soo mari doonin tareen maadaama Hindiya ay xayiraad ka jirto.

Booliiska gobolka Maharashtra ayaa sheegay in 16-qof ku dhinteen shilkan tareenku ku jiiray, waxaana dadkan la sheegay in ay aad u daalanaayeen ayna awoodi waayeen in ay ka kacaan goobta uu tareenku ku jiiray.

Saraakiisha waaxda tareennada dalka Hindiya ayaa sheegay in shaqaalahan oo kasoo tagay tuulooyin ay ku luugeynayeen waddooyinka iyagoo markaasi ku wajahnaa magaalada Aurangabad.

Ra’isul wasaaraha dalka Hindiya Narendra Modi ayaa qoraal uu soo dhigay barta Twitterka uu ku leeyahay ku sheegay inuu aad uga xunyahay dadkan masaakiinta ah ee ku geeriyooday shilka tareen ee ka dhacay Aurangabad.

Dadka muhaajiriinta iyo shaqaalaha ka yimaada gobolada fog fog ee dalka Hindiya ayaa noloshooda halis badan u galiya sidii ay nolol u heli lahaayeen, waxa ayna dadkan lugeeyaan masaafo aad u dheer si ay u tagaan magaalooyinka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -