Madaxweyne Deni oo ka hadlay sababta uu u qaadacay shirka Muqdisho ka furmay

Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni oo xalay kulan la qaatay bulshada magaalada Boosaaso ayaa sheegay inay diyaar u yihiin wadahadal toos ah oo warbaahinta laga daawado inay la galaan dowladda federaalka Soomaaliya.

Deni ayaa sheegay inay shirka Iskaashiga ee shalay ka furmay Muqdisho ay uga baaqdeen in aan laga tala-gelin ayna  keliya ka arkeen baraha bulshada, isagoo owlada federaalka ku eedeeyey in ilaa laba jeer ay shirka dib u dhigtay si ay saameyn ugu yeelato doorashooyinka koonfur-galbeed iyo Jubbaland.

“Waxaa ka furmay Magaalada Muqdisho Shir la yiraahdo Shirka ‘Somali Partnership Forum’ oo ay ku kulmaan madasha isbahaysiga Soomaaliya iyo Caalamka oo looga tashado Marxaladda Soomaaliya Marayso iyo sidii Hormarkeeda looga shaqayn lahaa. Dawladda Puntland Shirkaas Kama aysan Qayb-galin, waxaan rabaa dadweynaha reer Puntland inaan halka kala wadaago sababaha kalifay in Puntland Ka qayb gali waydo, maadaama Puntland ay ahayd Hooyadii Faderaalka, Maadaama Puntland ahayd xubin aasaasi u ah Midnimada Soomaaliya iyo Federaalaynta, iyada iyo xubnaha kale ee dawladuhuna ay arrintaas ka siman yihiin.” Ayuu yiri madaxweyne Deni

“Waxaan aad uga xunahay Shirka noocaas ah intaas le’eg, in Puntland aan laga tala galin in Puntland ay baraha bulshada ka aragtay ajandaha shirka iyo sida uu u dhiganyahay, in Puntland ay ka aragtay waxa loo yaqaan Communique ama wixii kasoo bixi lahaa shirka oo diyaarsan, waxaan ka xunahay markii aan hubsanay inay arrimahaas sidaas ujiraan oo aan talo kulahayn, oo waxa kasoo baxaya aan ra’yi kulahayn oo Puntland baahiyaheeda aan la waydiinayn, oo idinkuba waa arki kartaane layiraahday waxaad kuleedihiin Shan daqiiqo oo dadka carabiga yaqaana layiraahdo “TACLIIQ” ama “REMARKS” Khudbad nin akhriyay ayaa shan daqiiqo idinkuna waxaad leedihiin inaad Comments ka bixisaan ama ka hadashaan, intaas in ay noqotay qiimihii Puntland laga dhigo aad baan uga xumaaday runtiina wax Puntland ay qaadan karto ma aha Bulshada Caalamka oo dhanna si cad ayay ugu cadaysay inaysan arrintaas raali ka ahayn” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa tilmaamay in wixii ka danbeeyey dowladdii Ku meel-gaarka ee Soomaaliya aan wax mashaariic ah laga hirgelin Puntland, aysana soo dhaafin Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -