Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Weerar Qaraxyo ku bilowday oo lagu qaaday xero ay degan yihiin ciidanka DF

Al-Shabaab ayaa saaka weerar ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah ku qaaday Saldhig Ciidamada dowladda ku leeyihiin degaanka Geedweyne oo hoostaga degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Sida wararku sheegayaan Al-shabaab ayaa sida looga bartay waaberigii saaka gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyey oo ay wadeen eag ismiidaamiyeyaal ah waxay ku weerareen xeradaas, waxaana ka dib xigay dagaal toos ah oo dhexmaray ciidamada dowlada ee xeradaas ku sugnaa iyo Al-shabaabkii weerarka soo qaaday.

Goob-joogayaal ku sugan degaanka Geed-weyne ayaa sheegay in dagaalku uu socday ku dhawaad saacad la iskuna adeegsaday hubka culus oo si weyn looga maqlay degaanada ku dhow halkaas.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah leh ayaa ka dhashay dagaalkaas inkastoo aan weli laga helin faahfaahin rasmi ah, rasaas goos goos ah ayaana weli laga maqlayaa degaanka Geed-weyne.

Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gobolka Gedo ayaan weli ka hadlin weerarkan saaka oo qeyb ka ah weeraro la mid ah oo Al-shabaab ay had iyo kula jarmaadaan xeryaha ciidamada DF.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maraykanka oo dib u bilaabay taageeradii uu sanado ka hor ka joojiyey Ciidanka XDS

Caydiid Ali

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay qaraarkii xasaasiga ahaa ee kasoo baxay Midowga Afrika

Cabdi Cade

Nin Gaari jiirsiiyay Eey Qaali ah oo Yurub laga keenay oo lagu xiray Hargeysa iyo Dacwad…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---