Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Nin baraha bulshada lagu baahiyey isagoo gubaya calanka Jabuuti oo xabsiga la dhigay

Booliska Jabuuti ayaa xabsiga u taxaabay nin loo heysto inuu gubay calanka dalkaas oo muuqaal laga soo duubay lagu baahiyey barta Tiktok.

Ninkan ayaa sidoo kale waxaa la sheegay intii uu gubayey calanka ku dhawaaqayey ereyo uu aflagaado iyo qabyaalad salka ku heysa taasoo dad badan ka careysiisay.

Booliska oo sameeyey baaritaan dabagal ayaa ugu dambeyn ninkan ka soo qabtay guri ku yaalla degmada 1aad ee magaalada Jabuuti

Qoyska ninkan uu ka soo jeedo ayaa ku andacooday in sababta uu calanka u gubay ay tahay isagoo la ildaran xanuuno dhinaca dhimirka ah.hase ahaatee waxaa arrintaas ku gacan seyray booliska.

“Nasiib darro, maadaama uusan heysanin qoraal cadeynaya inuu dhimirka ka xanuunsan yahay, cudurdaar uma noqonayso tallaabadii uu ku gubay kuna aflagaadeeyay calanka dalka iyo hurinta qabyaaladeed” ayaa lagu yiri qoraal ka sopo baxay Booliska

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay iney maxkamad soo taagi doonaan ninkan maalinta beri ah, si uu uga jawaabo falka uu ku kacay.

Related posts

Boqortooyada Sacuudiga oo xukun adag ku riday Loujain Al-Hathloul

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Sida Quruxda badan ee loogu Damaashaay Xaafada Daaru Salaam ee Muqdisho

Cabdi Cade

Ma dhab baa in dad looga shakiyey cudurka Coronavirus lagu fasaxay Muqdisho?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---