Allbanaadir.com
NEWS

War Deg Deg Ah: Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Falkii lagu galay Guriga Cabdi Qeybdiid

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ku amray taliyaha ciidanka Milatariga Soomaaliya in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo falkii ciidamo katirsan Milatariga ku galeen guriga Senetar Cabdi Qeybdiid.

Qoraal lasoo dhigay barta Twitterka uu ku leeyahay Madaxwenaha Soomaaliya ayaa looga hadlay howlgalkii ciidamo katirsan Milatariga gaar ahaan kuwa Imaaraatka Carabta tababareen ku galeen howga Senetar Cabdi Qeybdiid.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sharci daro ku tilmaamay howlgalka ciidanka Milatariga ku galeen guriga, waxa uuna ku baaqay in lala tiigsado sharciga cid walbo oo falkan ku lug yeelata.

Ciidamo katirsan Kumaandooska Soomaaliya gaar ahaan kuwa tababareen Imaaraatka kuna xareesan xero kutaala Kulliyada jaalle Siyaad iyo Xero agoon ayaa galay guriga Cabdi Qeybdiid, lamana oga cida amartay ciidankaasi iyo sababta gurigaasi u galeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliska Ciidamada Asluubta oo War ka soo saaray qaraxii saaka ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali

Goob Fagaare ah oo lagu toogtay Xasan Cismaan Ibraahim kadib dambi lagu helay

Cabdi Cade

Madaxweynaha K/Galbeed Laftagareen oo Muqdisho soo gaaray (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---