Madaxweynaha K/Galbeed Laftagareen oo Muqdisho soo gaaray (Sawirro)

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed (Laftagareen) oo ka soo kicitimay Baydhabo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wafdiga waxaa gudaha garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay wasiiro ka tirsan XFS, xildhibaano ka tirsan labada gole, Masuuliyiin ka socday xafiisyada Madaxweynaha iyo Kan Ra’iisal wasaaraha.

Laftagareen ayaa u yimid Muqdisho ka qeyb galka shirka wadatashiga madaxda dowlad goboleedyada iyo DF uga furmaya magaalada Muqdisho.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Hirshabelle ayaa saacado ka soo gaaray caasimada dalka, iyadoo Madaxda kale ee dowlad goboleedyada la filayo iney iyana soo gaaraan magaalada Muqdisho saacadaha soo socda ee maanta ama beri.

- Advertisement -