Haweeney isku dishay Magaalada Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Haweeney ayaa la sheegay iney isku dishay gurigooda oo ku yaalla xaafada Jungal oo ka tirsan degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho ka dib markii ay sun cabtay.

Dad deris la’ ah qoyska ay ka dhalatay haweeneydan ayaa sheegay in sababta ay sunta u cabtay ay tahay ka dib markii loo diiday iney ku laabato wiil ay jecleyd oo ay horey u kala tageen kaasoo ay u heyso wiil.

Haweeneyda is dishay oo magaceeda lagu soo koobay Shukri ayaa la sheegay iney la heshiisay wiilka ay kala tageen, hase ahaatee waalidiinteed ayaa diidmo adag kala hor yimid iney mar kale ku laabato, taasoo la sheegay iney horseedey cabida sun sababtay iney ifka ka tagto.

Dhacdadan ayaa naxdin ku noqotay qoyska ay ka dhalatay haweeneydan is dishay iyo dadka degaanka, iyadoo maalmahan ay magaalada Muqdisho ku soo bateen dilal argagax leh oo qaarkood ay salka ku hayaan arrimo la xiriira dhinaca guurka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -