Maxaad kala socotaa guurka Max’ed & Ruqiya ee sababay in nolosha lagu gubo adeerkood? (Daawo Video)

Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay maalmo ka hor dil fool xun oo loo geystay nin shaqeynayey Garaash ku yaalla degmada Yaaqshiid oo nolosha lagu gubay ka dib markii ay weerar ku soo qaadeen lix qof oo isugu jiray rag iyo dumar.

Marxuumka oo ka soo jeeda beelaha laga tirada badan yahay ayaa loo dilay sababo la xiriira wiil uu adeer u yahay oo guursaday gabar ka dhalatay mid ka mid ah beelaha dega Muqdisho.

Arintan ayaa waxaa ka dhalatay caro weyn iyo hadal heyn badan iyadoo ay aad uga xumaadeen qeybaha bulshada oo ku baaqay in la soo xiro dadkii ka dambeeyey falkaas arxan darada ah.

Haddaba hoos ka daawo warbixin laga diyaariyey dhacdadan murugada leh

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com  

- Advertisement -