Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Labo Qarax oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho (Daawo Sawirro)

Waxaa goordhaw labo qarax oo laga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho ay ka dhaceen isgooska Dabka , waxaana qaraxyadan lasoo sheegayaa in ay ka dhasheen khasaaro kala duwan.

Goobjooge ku sugan meel ku dhaw Isgooska Dabka ayaa noo sheegay in qaraxa koobaad uu ka dhacay Isgooska Dabka uuna ahaa mid aan sidaa u xoog badneyn , balse daqiiqado kadib la maqlay qaraxa labaad oo ka xoogan kii hore isna ka dhacay meel ku dhaw Dabka.

Qaraxyadan ayaan wali la ogeyn waxa ay yihiin , waxa ayna dadka qaarkood ku waramayaan in ay u muuqdaan qaraxyadan kuwa gaadiidka qarxay lagu soo xiray  waxaana la maqlayaa rasaas goos goos ah oo ka dhaceysa aaga qaraxyadu ka dhaceen.

Khasaaraha ka dhashay qaraxyadan goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho ayaan la ogeyn inta ay la egyihiin, waxaana halka qaraxyadu ka dhaceen ku sugan ciidamo iyo gaadiidka gurmadka deg dega oo kusii qul qulaya

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Yaa run sheegaya Xildhibaanada Jawaari Mooshinka ka wada iyo kuwa difaacaya ?

Cabdi Cade

Ruushka oo saacado gudahood duqeeyey 40 magaalo oo ka tirsan Ukraine (Sawirro)

Caydiid Ali

Xogta kulan dhexmaray Wasiiru dowlaha A/Dibadda DF & dhigiisa Dr. Mohamed Al-Khulaifi

Caydiid Ali
Taboola Ads ---