Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Rooble iyo wafdigiisa oo si aan caadi aheyn loogu soo dhoweeyey Qaahira (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda Masar halkaasoo si diiran loogu soo dhoweeyey.

Waxaa garoonka dayuuradaha Qaahira si diirran ugu soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha Masar  Moustafa Madbouly iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dalkaas.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ku joogo dalka Masar ayaa yimid kadib  casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Dowladda wadankaas.

Rooble ayaa la kulmi doona madaxda sare ee dalkaas oo uu kala hadli doono xoojinta xiriirka labada dal, sidoo kale waxaa kulan balaaran uu la qaadan doonaa jaaliyada Soomaalida ee Qaahira ku nool.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada booliiska oo saakay Muqdisho ku xiray Wariyaal iyo Sababta oo la ogaaday

Cabdi Cade

Xabad joojintii Israel & Xisbullah oo burbur qarka u saaran

Caydiid Ali

Cali Guudlaawe oo kulan xasaasi ah la qaatay Xildhibano ka tirsan Baarlamanka Kenya (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---