Hoggaamiyaha Wagner oo farriin u diray dalalka Afrika ay ciidanka ka joogaan iyo kuwa…

Hoggaamiyaha ciidamada calooshood u shaqeestayaasha Ruushka ee Wagner, ayaa farriin u diray dalalka Afrika ay ciidamada ka joogaan iyo sidoo kale kuwa hadda doonaya in ciidamo usoo diraan.

Yevgeny Prigozhin madaxa Wagner ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in ay sii wadi doonaan shaqada ay ka hayaan dalal ka tirsan qaarada Afrika, waxa uuna xusay in aysan jirin isbadal ku yimid shaqada ay ka hayaan dalal Afrika kuyaalla.

Waxa uu sidoo kale sheegay madaxa kooxda Wagner in ay diyaar u yihiin in ay caawiyaan dalalka Afrika ee doonaya in laga garab siiyo la dagaallanka burcadda iyo argagixisada iyo sidoo kale ilaalinta danaha dadkooda.

“Waxaan sii wadeynaa inaan ka shaqeyno dhammaan dalalkii aan ka bilownay howlaha ama aan hadda shaqo ka wadno, haddii caawinta kooxda Wagner looga baahan yahay meel kasta si loola dagaallamo burcadda iyo argagixisada iyo ilaalinta danaha dadka dalalkan, waxaan diyaar u nahay inaan si degdeg ah u bilowno si aan u gudano hawshan ka dib markii aan ku heshiinno shuruudaha.” Ayuu yiri Prigozhin.

Hadalka kasoo yeeray madaxa kooxda calooshood u shaqeestayaasha ee Wagner ayaa imaanaya xilli ay soo baxeen in dalal Afrika katirsan ka baxayaan, ciidanka Wagner ayaana ah kuwii dhawwaan qal qalka galiyay madaxweynaha Ruushka ee Putin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -