Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xogta kulanka Aadan Madoobe & Gudomiyeyaashii hore ee Golaha Shacabka (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa caawa hoygiisa casho sharaf ugu sameeyay Guddoomiyeyaashii hore ee Golaha Shacabka BJFS.

Kulanka casho sharafta ah waxaa lagu casuumay, Mudane Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Mas’uuliyiintan ayaa waxay iska xog-wareysteen xaalada dalka gaar ahaan habsami u socodka shaqada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur  ayaa Guddoomiyeyaashii hore kaga mahadceliyay sida ay u soo ajiibeen kulankan casho sharafta ah, isagoo xusay baahida loo qabo in laga wada shaqeeyo danta dalka iyo dad Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Aabbaha dhalay Luul Cabdicasiis oo u quus gooyay reerka Sayid-cali Macalin

Cabdi Cade

Sawirro: Meydadka askartii Xawaadle ee lagu laayay Ceelbaraf oo la aasay

Cabdi Cade

Qatar oo wada Qorshayaal badan oo halis ku ah Soomaaliya Mustaqbalka dhow !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---