Maxay ka wada hadleen Wasiirka Arrimaha Dibadda DF iyo dhigiisa Pekka Haavisto?

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa maanta oo Talaado ah khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee Dalka Finland Mudane Pekka Haavisto.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dheef-wadaagga ah ee ka dhexeeya Labada Dal.

Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali ayaa uga mahad celiyey Dowladda Finland taageerada ay u fidiso Soomaaliya iyo qaxootiga Soomaalida ah ee ay dalkeeda ku marti gelisay mudadii burburka dalka uu ku jiray.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Finland Mudane Pekka Haavisto ayaa dhinaciisa ku amaanay dowlada Somalia dedaalka ay ugu jirto nabadeynta dalka iyo qabashada doorashooyinka, isagoo balan-qaaday in dowladiisu sii xoojineyso taageerada ay siiso Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -