Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Arrimaha Dibadda DFS oo wadahadal la yeeshay Therese Kayikwamba

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa wada hadal wax ku ool ah khadka telefoonka kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, Thérèse Kayikwamba Wagner.

Wadahadalka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo DRC, kor u qaadista iskaashiga dhinacyo kala duwan, iyo wax ka qabashada baahiyaha bulshada Soomaaliyeed ee ku sugan DRC.

Wadahadalka Wasiiradda waxaa si gaar ah xoogga lagu saaray sidii loo taageeri lahaa ganacsatada Soomaaliyeed, loo fududeyn lahaa danahooda, loona xaqiijin lahaa in baahidooda si hufan loo daboolo, isku xirkan ayaana muujinayaa sida ay Soomaaliya uga go’antahay in la xoojiyo xiriirada iyo horumarinta dano wadaagga ah ee ay la leedahay dalalka saaxiibka ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka shaqeeneysa xoojinta xiriirka kala dhaxeeya qaar kamid dowladaha caalamka, waxa ayna dowladda Congo kamid tahay dowladaha aan xiriirilka tooska ah la laheyn Soomaaliya.

Related posts

Lafgareen oo guddoomiye cusub u magacaabay Maamulka gobolka Sh/hoose

Caydiid Ali

(Sawirro) Deni oo Garowe ku laabtay xili culeysyo badan ay kaga furan yihiin Puntland

Caydiid Ali

Meydadka qoys lix qof oo Soomaali ah oo laga helay Qaahira

Caydiid Ali
Taboola Ads ---