Wasaarada Caafimaadka Somalia oo shaacisay iney qaadeyso talaabo muddo dheer la sugayey

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Marwo, Fowziya Abiikar Nuur, ayaa sheegtay inay Wasaaraddu la wareegeyso dhammaan Isbitaalladii uu dalku lahaa, iyadoo hadalkan uu yahay mid muddo dheer laga sugaayey oo qeyb ka ah waajibaadkeeda.

Fowziya Abiikar Nuur oo ku guda jirtay kormeer ay ku tagtay Isbitaalka Keysaneey ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan qaybta lagu daweeya Haweenka isku furanka ku dhaco ee  (Fistula Department) ayaa ammaan ballaaran usoo jeedisay howl-wadeennada Isbibaalka, waxanay sheegtay inay dedaal ka geysan doonaan sidii loo tayayn lahaa xarunta.

“Wasaaradda caafimaadka waxaa ka go’an in Isbitaalladii guud ay si buuxda ugu maamusho Ganateeda ugu qabato, kaalmo weynna ay u fidiso, marka waa wax noo wada yaalla, aad baanan ugu faraxsanahay inaan idinla kulmo”, ayay tiri Marwo Fowziyo.

Marwo, Fowziyo ayaa u mahad celisay shaqaalaha Isbitaalka iyo hay’adda Bisha Cas oo door Lixaad leh kasoo qaadatay Dawada, shalabaynta iyo Gacan ku haynta howlaha kala duwan ee Isbitaalka.

Wasiirradda ayaa sidoo kale ka hadashay dhibaatooyinka isku furanka uu ku hayo Gabdhaha Soomaaliyeed, waxanay intaa raacisay inay qorsheynayso sidii dhaqaale lagula tacaalo loogu raadin lahaa.

Waxay sheegtay wasiirraddu inay qorsheynayaan sidii siku furanka loogu heli lahaa ka hortag iyo wacyi gelin ballaaran si loo yareeyo Khatarta naf ahaaneed eeka iman karta xanuunkan, iyadoo intaa raacisay inay inay dhibaatadani inta badan soo wajahdo Gabdhaha da’ada yar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -