Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay ka wada hadleen Wasiirka arrimaha dibeda DF iyo wakiilka QM? (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan.

Waxay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey ee dhinacyada, kaalmada, siyaasada, amniga, doorashooyinka iyo dowlad wanaaga

Kulankan booqasho sharafeedka ahaa, ayaa Wasiirka iyo Wakiilka Qaramada Midoobey waxaa ay sidoo kale kaga wada hadleen doorka Qaramada Midoobey ee ka jawaabidda baaqii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddanaa u gurmashada shacabka ay dhibaatooyinku ka soo gaareen abaaraha baahsan ee ku dhuftay Dalka.

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa balan-qaaday in QM ay sii xoojineyso taageerada kala duwan ee ay siiso Soomaalida.

Related posts

Golaha Wasiirada Hirshabelle oo ansixiyey Degmo cusub

Caydiid Ali

Nin saaxiibtiis kusoo dilay dalka Mareykanka oo ka baxsaday xabsi kuyaalla dalka Kenya

Cabdi Cade

Maxkamadda Racfaanka oo go’aan kasoo saartay dambiyo lagu soo eedeeyay labo Agaasime guud hore

Cabdi Cade
Taboola Ads ---