Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamadda gobolka Banaadir oo baafineysa Masuuliyiin ay ku jiraan Koofi, Cabdul iyo Jurus

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa soo saartay warqad ay ku baafineyso 9 qof oo u badan masuuliyiin ,kuwaa oo loo heesto in ay qeyb ka yihiin musuq maasuq lagu xaday lacag malaayiin dollar ah.

Warqada kasoo baxday maxkamadda gobolka Banaadira ayaana lagu baafinayaa sagaalkan xubnood ee dhawwaan Xeer ilaalinta Qaranka ku eedeesay in ay ku kaceen musuq maasuq iyo isdaba marin, kuwaa oo dalka ka maqan kuna jira baxsad.

Xubnaha maxkamadda gobolka Banaadir baafineyso ayaa waxaa ku jira agaasimayaashii hore ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Cabduqaadir Cilmi Cali (Cabdul) iyo Maxamed Aadan Koofi, waxaa sidoo kale ku jira liiskan Muxudiin Jurus.

Maxkamadda ayaana amartay eedeeysanayaashan loo heesto musuq maasuqa in muddo bil gudahood ay ku hor yimaadaan maxkamadda gobolka Banaadir, haddii aysan imaana maxkamadda ay qaadi doonto tallaabo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dhalinyaro Itoobiyaan ah oo Muqdisho u yimid fulinta qorshe uu wado RW Abiy Ahmed

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse oo Indhihiisa kusoo arkay dhibaatada ka taagan Doolow (Sawirro)

Cabdi Cade

Guddiga diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka oo waqti kooban loo qabtay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---