Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dhalinyaro Itoobiyaan ah oo Muqdisho u yimid fulinta qorshe uu wado RW Abiy Ahmed

Labaatan Dhalinyaro ah oo ka socota dalka Itoobiya ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho si ay u fuliyaan  Barnaamij lagu Magacaabo (Raad-Reebka Abuurida Walaalnimada Afrikada Cagaaran).

Barnaamijkan ayaa waxa horey ugu dhawaaqay Raisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, waxaana laga hirgaliyay qeybo ka mid ah itoobiya oo lagu Beeray dhir aad u Farabadan.

Dhalinyaradan ka socda Itoobiya ayaa la sheegay iney dhir fara badan ku talaali doonaan magaalada Muqdisho taasoo qeyb ka ah barmaamijka Abiy Ahmed.

Safiirka Itoobioya u fadhiya Somalia Ambassador Abdifatah. iyo wasiiru dowladaha Wasarada Degaanka iyo isbadalka cimilada Somalia Aden ibrahim Xirsi ayaa Dhalinyaradan ku soo dhaweeyay garoonka dayaaradaha aadan cadde.

Shalay ayey aheyd markii Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu daah furay qorshaha Qaran ee Soomaaliya cagaar ah kaasoo lagu beerayo 10 Malyan oo geed oo lagu dhireynayo dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dalal aan muslim ahayn iyo Xisbiyo waa weyn oo taageeray Falastiin Eedeyna u jeediyay Israa’iil

Cabdi Cade

Golaha Amaanka oo mar kale Baaq kasoo saaray Doorashada Soomaaliya

Cabdi Cade

Taliska Booliska Somalia oo war ka soo saaray dil kale oo galabta loo geystay Bajaajle

Caydiid Ali
Taboola Ads ---