Kaalintee Somalia ka gashay dalalka caalamka ugu awooda badan dhinaca Milateriga?

Somalia ayaa kaalinta 136-aad ka gashay liiska lagu qiimeeyay awoodaha milatari ee waddamada adduunka, oo ka kooban 140 dal.

Sida ku xusan warbixinta uu diyaariyay wargeyska Global FirePower, tirada shacabka Soomaaliya qiyaas ahaan waa 12,094,640.

Tirada dadka ku biiri kara ciidamada waxaa lagu qiyaasay 2,781,767 ruux, oo u dhigma 23.0%, oo ka mid ah shacabka guud. 1,669,060 oo qof ayaa awood buuxda u leh inay ka mid noqdaan ciidanka.

Tirada ciidanka milatariga Soomaaliya ee hadda shaqeeya waa qiyaastii 17,500 oo askari, sida lagu xusay warbixinta wargeyska Global FirePower, Ma jiro ciidan keyd u ah milatariga Soomaaliya.

Soomaaliya oo booska 138-aad fadhisay ayaa ka kor martay waddamada Kosovo iyo Bhutan oo ku kala jira kaalimaha 139-aad iyo 140-aad.

Markii hore Soomaaliya waxay meesha ugu hooseysa uga jirtay liiska caalamka. Muddo dheer ayay sanad kasta Soomaaliya ahayd dalka ugu hooseeya liiska, oo ahaa 140 waddan. Waxaase muuqata in hadda ay horumar sii sameyneyso.

Dhinaca kale, Marka si guud loo eego, waxaa sidii caadada ahaydba liiska ugu sarreeya Mareykanka, halka ay ku xigaan dalalka Ruushka iyo Shiinaha.

Ilaa laga gaarayo tobanka kaalmood ee ugu horreeya waxaa ugu sii xiga Hindiya, Japan, Kuuriyada Koonfureed, Faransiiska, Britain, Pakistan iyo Brazil.

Tobanka kaalmood ee ugu horreeya isbaddalka kaliya ee ka jira waa in Pakistan ay sanadkan ka dul martay Brazil oo sanadkii hore ka horreysay.

Waxaa kale oo xusid mudan in awoodda militari ee Turkiga uu sanadkan hoos u dhac ku yimid marka la eego liiskan, waxaana ka hor maray labo dal oo uu ka sarreyn jiray oo kala ah Masar iyo Talyaaniga.

Sidaas awgeed, halkii uu Turkiga kaalinta 11-aad ku jiray sanadkii 2021-kii, hadda waxa uu soo galay kaalinta 13-aad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -