Agaasimaha Nabad sugida iyo Sirdoonka Kenya oo Muqdisho soo gaaray (Xog)

Agaasimaha Guud ee Nabadsugida iyo Sirdoonka Kenya NIS Nuradiin Yusuf Xaaji ayaa saaka magaalada Muqdisho soo gaaray, waxaana soo dhoweeyay dhigiisa Soomaaliya Mahad Salaad Maxamed.

Booqashadan ayaa ah tii u horreysay oo Muqdisho ku yimaado, iyadoo maalmo ka hor uu Taliyaha Sirdoonka Kenya uu booqasho qarsoodi ku tagay magaalada Kismaayo oo uu kula kulmay madaxda Jubbaland.

Labada hey’adood ee Sirdoonka Kenya iyo Soomaaliya ayaa ka wada hadli doona iskaashiga u dhaxeeya iyo la dagaalanka argagixisada

Sirdoonka Kenya ayaa xiray dhowaan Ganacsade reer Mombasa ah oo lala xiriirinayo shixnado isugu jira qalab ciidan iyo walxaha qarxa oo bilo ka hor lagu qabtay dekedda Muqdisho kaasoo la sheegay iney laheyd kooxda Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -