Somalia oo ka qeyb galaysa shirka caalamiga ah ee “Non-Aligned Movement” (Sawirro)

Wasiirka arrimaha dibadda dowladda FS mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa magaalada Baku ee caasimadda dalka Azerbaijan kaga qaybgalay shirka ururka wadamada dhexdhexaadka ah (Non-Aligned Movement) oo ay ka qaybgalayaan wasiirrada arrimaha dibedda ee dalalka xubnaha ka ah ururka (NAM).

Shirkan oo ah shirweynihii 18-aad ee ururka waxaa lagaga hadlay caqabadaha kala duwan ee ay wajahayaan xubnaha ururka, caqabadahan oo ay ka mid yihiin, dagaalada kala duwan ee ka socda gudaha iyo xuduudaha qaar ka mid ah xubnaha ururka, isbeddelka cimilada iyo saamaynta ay ku leedahay deegaanka, noolaha iyo xaaladda dhaqaalaha iyo cunno yarida caalamka iyo siday u saamaysay xubnaha ururka.

Sidoo kale waxaa looga hadlay xal u helidda khilaaafyada dhuleed, badeed iyo siyaasadeed ee ka dhexeeya xubnaha ururka gudahooda iyo urur goboleedyada ururkan hoos taga, qaddiyadda Falastiin iyo dhacdooyinkii iyo weeraradii ugu dammeeyey ee Israel ka geysatey gudaha Falastiin iyo xaaladda dagaalka dalka Suudaan iyo arrimo kale oo badan oo khuseeya xubnaha ururka.

Ururkan oo lagu asaasay magaalada Belgrade ee dalka Serbia sanadkii 1961 ayaa dalkeennu xubin ka ahaa tan iyo xilligaas.

NAM ayaa ah ururka ugu ballaaran adduunka marka laga reebo Jamciyadda quruumaha ka dhexeysa (United Nations) waxaana ku midaysan oo xubno ka ah 120 dal oo aan siyaasad ahaan si toos ah u raacsanayn awoodaha waaweyn ee caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -